Soomaaliya oo loo iibinayo sheybaarka lagu ogaado COVID-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Talyaaniga ayaa Isniinta maanta ah waxay ku dhawaaqdey in ay dhigeeda Soomaaliya ugu deeqdey aduun lacageed dhan in ka badan 215-kun oo Doolar-ka Mareykanka ah.

Barta Twitter-ka ee safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa lagu xaqiijiyey in kaalmadaas ay maamuli doonto Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee loosoo gaabiyo magaceeda WHO faraceeda Soomaaliya.

Sidda lagu sheegay qoraalka safaaradda, lacagtaas waxaa lagu hirgelin doonaa sheybaarka lagu ogaado caabuqa Coronavirus.

"Waqtiyadda aadka u adag waa in aan ka midaysanahay halista guud," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kooban ee safaaradda.

Ma cadda hadii lacagta ay xukuumadda Roma bixisay ay ku filan tahay soo iibinta sheybaarka ama in loo baahnaan doono qiimo kale.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa asbuucii hore shaaciyey in xukuumaddu u qoondeysay la tacaalida cudurkaas shan milyan oo Doolar.

Talyaaniga waa wadanka ugu badan ee geerida uu ka sababay Coronavirus. Wadarta guud ee dhimashadda ayaa mareysa 63,928. Kaliya maanta, mas'uuliyiinta waxay soo wariyeen 602 oo geeri ah.

Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo laga xaqiijiyey hal kiis oo fayruskaas ah ayaanan wali lasoo warin wax geeri ah.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa qirtay in caqabadaha haysta ay kamid tahay dalka oo aanu haysan agabka loogu tagalay baaritaanka.

Kaalmada ay soo bandhigtay Talyaaniga ayaa bilow u ah balanqaadyo kale oo dalal ay kamid yihiin Shiinaha iyo Qadar ay sameeyeen, sidda ay ka dhawaajisay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM