Soomaaliya oo mar kale quus goysay Taiwan lana safatay China

Image
Muqdisho ayaa ku adkeysatay in ay taageersan tahay siyaasadda "Midnimadda Shiinaha".

MUQDISHO, Soomaaliya - Muran la'aan Taiwan waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, sidda ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa arrintan waxa ay ku sheegtay sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartey Axadii shalay ahayd iyada oo ka jawaabaysa doorashooyin ka dhacay Taiwan.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysa su’aalahii ugu dambeeyay ee warbaahinta ee la xiriira doorashada Taiwan, waxay dib u xaqiijineysaa go’aankeeda hagar la’aanta ah ee ku aaddan Siyaasadda Hal Shiinaha, waxayna xoojineysaa mowqifkeeda joogtada ah, cad, iyo mabda’a ku dhisan ee arrintan," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u aqoonsan tahay Taiwan inay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, waxaana mowqifkan uu yahay mid asaasi u ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya".

Mowqifka ay qaadatay xukuumadda Muqdisho ayaa imaanaya xilli Shiinaha uu asbuucii hore si weyn u taageeray midnimada, madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM