Soomaaliya oo safiirkii ugu horeeyay u magacaabatay Turkemenistaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay safiir cusub u magacaabatay waddanka Turkemenistaan ee dhaca bartamaha qaarada Aasiya.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed [Ceydiid] ayaa todobaadkan laga gudoomay warqaadaha aqoonsiga danjirenimo.

Gulshat Sahyewna Mammedova, haweenayda afhayeenka baarlamaanka ka ah dalkaas, ayaa diblumaasiga ka gudoontay aqoonsiga.

Ceydiid ayaa sidoo kale ah danjiraha Soomaaliya qaabilsan Turkiga. Xukuumadda Ankara ayaa xulafo muhiim u ah dowladda Farmaajo.

Labada mas'uul oo yeeshay kulan laba geesood ah ayaa waxay kawada xaajoodeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, sidda ay warisay saxaafadda.

Mammedova ayaa la sheegay in ay u balanqaadey safiirka in ay si dhow ugala shaqeyn doonan sidii sarre loogu qaadi lahaa cilaaqaadka.

Ceydiid ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhaweynta iyo sidda wanaagsan ee looga guddoomay warqaadaha aqoonsiga.

Sikastaba, talaabadan oo ka dhigan bilowga xiriirka diblumaasiyadeed oo labada dhinac ayaa Caydiid ka dhigeysa safiirkii ugu horeeyay oo Soomaaliya ay waddankaas u magacaabato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM