Soomaaliya oo shir guddoomisay kulan horudhac u ah shir madaxeedka Midowga Afrika

Image
Kulanka ayaa loogaga hadlay dedaalka Soomaaliya ugu jirto hogaaminta Guddiga Amniga Midowga Africa.

Addis Ababa (GO) - Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb gelaya shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sanadlaha ah ee Midowga Africa.

Kulamada qabsoomay waxaa qayb ka ahaa shir ay isugu yimaadeen guddiga qaabilsan nidaaminta iyo qorshaynta ee Midowga Africa oo ay xiligan hogaanka u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana shir guddoominayey mudane Cali Cumar “Balcad”.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Warfaa, saraakiil sar-sare oo ka mid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS iyo dhamaan dalalka xubnaha ka ah guddiga.

Guddiga ayaa shirkooda kaga arrinsaday qorshayaasha taagan ee hortebinta u leh dalalka ku bahoobay Midowga Africa, iyagoona soo bandhigay wadamada iyo madaxda Afrika ee sanadkan u baratamaya jagooyin ay tartan xoog leh ugu jiraan qaar ka mid ah dalalka iyo masuuliyiinta Africa oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kulanka guddiga oo ay shir guddoominaysay Soomaaliya ayaa si gaar ah loogaga hadlay dedaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ugu jirto hanashada iyo hogaaminta Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Africa ee sanadaha 2025-2026.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM