Soomaaliya oo soo dhawaysay la wareegista Madaxtooyadda Suudaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa soo dhawaysay qabsashada Ciidamada Suudaan ee Aqalka Madaxtooyadda magaalada Khartuum, taas oo lagu tilmaamay “tallaabo muhiim ah oo ku saabsan madax-bannaanida iyo nabadda Suudaan.”

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso militeriga Suudaan iyo Guulaha ay dagaalka ka gaareen, isla markaana ay sii wadayso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

"Waxaan soo dhaweyneynaa tallaabadan muhiimka ah ee Ciidamada Suudaan dib ugula wareegeen Aqalka Madaxtooyadda," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeysey sida ay uga go'an tahay taageeridda midnimada, xasilloonida, iyo hay’adaha sharciyeysan ee Suudaan, iyadoo ballan qaaday in ay sii wadeyso taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Suudaan ee ku jira xaaladda cakiran ee ka dhalatay dagaalka Sokeeye.

Taageeradan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadamada gobolka iyo caalamka ee ku aaddan sidii loo soo afjari lahaa khilaafaadka iyo xasaradaha siyaasadeed ee ka jira Suudaan, iyadoo la rajeynayo in dalkaasi uu ku laabto nabad iyo xasilooni.

Xaalada Suudaan ayaa mudooyinkii dambe ahayd mid adag kadib markii uu bilowday dagaal sokeeye, iyadoo siyaasadda dalkaasi ay wajahday caqabado badan oo ay ka mid yihiin faragelin gudaha iyo dibedda, iyo xiisado siyaasadeed oo hor leh.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM