Soomaaliya oo uga tacsiyeysay Imaaraadka saraakiishii ku dhintay weerarkii Muqdisho

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Imaaraadka dadaalka ay ugu jirto xasilinta dalka.

Muqdisho, Soomaaliya - Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta uga tacsiyeysay weerarkii xalay ka dhacay Xero Gordon ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay 3-sarkaal oo u dhashay dalkaas.

War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri: “Dowladda Soomaaliya waxay si cad u cambaareyneysaa galkii argagaxiso ee foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishan Imaaraatka ah”

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay: “Waxaan ixtiraamaynaa geesinimada iyo naf-hurnimada saraakiisha Imaaraatka ee naftooda ku waayay weerarkan, waxa ay tusaale u tahay sida ay uga go’an tahay horumarinta xasiloonida iyo amniga dalkeena.”

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri: “Waxaanu tacsi u diraynaa qoysaskii ay ka baxeen saraakiishii geesiyaasha ahaa iyo dhammaan shacabka Imaaraadka Carabta. “

Shalay ayay ahayd markii askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, uu weerar ka fuliyay Xerada General Gordon ee Magaalada Muqdisho, waxaana lala beegsaday weerar-kaas Saraakiisha Imaaraadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM