Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Image

MUQDISHO, 5 Juun 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheeyay laba kulan oo siyaasadeed oo muhiim ah, kuwaas oo lala yeelanayo madaxda maamul-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Kulanka koowaad, oo dhici doona 15-ka Juun, ayaa isugu imaan doona madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore iyo guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka. Kulanka labaad, oo la qorsheeyay 22-ka Juun, waxaa ka qeyb geli doona madaxda dowlad-goboleedyada ku dhow Villa Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay ka harsan yihiin 11 bilood muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh, welina aysan jirin hannaan doorasho oo cad, hufan, oo loo dhan yahay oo u diyaarsan doorashada 2026. Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

Khilaaf siyaasadeed oo baahsan ayaa sidoo kale ka taagan xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo si adag uga hor yimid habka ay dowladda u maareysay geeddi-socodka doorashada iyo dib-u-eegista dastuurka. Labadan maamul ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay si sharci-darro ah u beddeshay qodobo kamid ah dastuurka KMG ah, iyadoo aan la marin hannaan wadar oggol ah ama la tixgelin saamilayda siyaasadeed ee dalka.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamuladaas ayaa dib u dhigay isku dayo lagu doonayay in lagu gaaro heshiis qaran oo ku aaddan doorashooyinka 2026, taasoo ah mid halis gelin karta kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dalka. Muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa markan u muuqda mid u baahan xal degdeg ah oo dhab ah, kaasoo salka ku haya is-afgarad qaran oo ku dhisan dastuurnaanta iyo ka qaybgal loo siman yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM