Soomaaliya: Puntland oo Gacanta Ku Dhigtay Xarunta Dhexe ee ISIS ee Dooxada Miraale

Image

BOOSAASO - Ciidamada la-dagaalanka argagixisada ee Puntland ayaa si buuxda ula wareegay xarunta dhexe ee hoggaanka kooxda argagixisada ah ee ISIS, taasoo ku taallay dooxada Miraale ee buuraha Calmiskaad.

Howlgalka oo ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyey ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada cirka iyo kuwa dhulka, iyadoo lagu guuleystay in la qabto ceelal biyoodyo muhiim ah iyo goobo difaac oo istaraatiiji ah oo ay ISIS muddo dheer ku sugnaayeen.

Tani waxay qeyb ka tahay howlgal ballaaran oo lagu magacaabo “Howlgalka Hilaac,” kaasi oo Puntland muddooyinkii ugu dambeeyey ka waday buuraha Calmiskaad si ay u cirib tiraan kooxaha xagjirka ah ee halkaasi ku dhuumaaleysanaya. Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in howlgalkani uu guul weyn ka gaaray, islamarkaana uu si weyn u wiiqay awooddii ISIS ee gobolka.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo rasmi ah, ciidamada Puntland ayaa helayay taageero xooggan oo dhinaca cirka ah, taasoo ka timid Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta. Diyaaradaha dagaalka ee labada dal ayaa si joogto ah u beegsaday saldhigyada ISIS, waxaana weerarradaas lagu dilay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada kooxda.

Taliska ciidamada Puntland ayaa ballan qaaday in ay dhawaan faahfaahin dheeri ah ka bixin doonaan khasaaraha ka soo gaaray ISIS, iyo xaaladda guud ee goobaha lala wareegay. Waxaa la tilmaamayaa in tani ay tahay dharbaaxo kale oo culus oo kooxda ISIS ku dhacday, iyada oo muddo 5 bilood ah dagaal adag lagula jiray gudaha buuraha Calmiskaad.

Howlgalka Hilaac ayaa hadda loo arkaa mid guulo waaweyn laga gaaray, islamarkaana sare u qaaday kalsoonida shacabka iyo awoodda ciidamada Puntland ee la-dagaalanka argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM