Soomaaliya: Shaabadii halista burcad-badeeda oo la tirtiray

Image
Hawlgalka Midowga Yurub ee Atalanta ayaa la aas aasay sanadka markii uu ahaa 2008-dii

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub ayaa go’aansaday in uu muddo kordhin labo sano ah u sameeyo howlgalka ciidamada badda ee Atalanta ee xeebaha Afrika, sidda ay qortey warbaahinta.

Hawlgalka badda ee militariga Midowga Yurub ayaa waxa uu socon doonaa ilaa Diseembar 31, sanadka 2024, sidda uu daabacay mareegga caanka ah ee MaritimeExecutive.com.

"Go'aanka muddo-kordhinta howlgalka ayaa daba socday dib u eegis istiraatiiji ah oo lagu sameeyay doorka Midowga Yurub ee Geeska Afrika," ayay raacisay warbixinta warsidaha.

Sida laga soo xigtay saraakiil, ujeedadu waa in la xoojiyo jawaabta Midowga Yurub ee xaaladda amniga badda ee sii kordheysa iyo kor u qaadida kaalinta ammaanka badda.

Dhanka kale, go'aanka kasoo baxay EU-da ayaa meesha laga saaray Soomaaliya iyo gobolka badweynta Hindiya ay yihiin goob khatar ah oo ay ka jiraan kooxo burcad-badeed ah.

Hawlgalka Atalanta ayaa la aas aasay sanadka markii uu ahaa 2008-dii isagoo ka jawaabayay heerka sare u kaca ee burcad-badeedda ee Galbeedka Badweynta Hindiya.

Waa qeyb kamid ah howlgallada ciidamada badda ee caalamiga ah ee lagu tiriyo in ay soo afjareen burcad badeedda xeebaha Soomaaliya wallow ay su'aallo dul-hoganayaan in ay daacad ka ahayd kaalintaas.

Sida laga soo xigtay mareegaha hawlgalka, waxay ilaaliyeen in ka badan 2,000 markab kuwaasoo siday in ka badan saddex milyan oo tan oo cunto iyo gargaar ah la gaarsiiyo gobolka.

Warbixinta ayaa intaas waxay ku daraysaa in howlgalka uu ku guuleystay in ku dhowaad 171 budhcad badeed ah lagu wareejiyay mas'uuliyiinta deegaanka halka 12,720 kiilo oo maandooriye ah la qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM