Soomaaliya: Toogasho ka dhacday degmada Baardheere

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka ee degmada Baardheere ayaa dilay nin looga shakisan yahay inuu yahay xubin ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii uu isku dayay inuu fuliyo dil qorshaysan xilligii Afurka, sida ay sheegayaan masuuliyiinta deegaanka.

Taliyaha ammaanka degmada, Axmed Cabdullaahi, ayaa sheegay in ninkaas oo ku hubaysan qori, uu rasaas riday markii ciidamada ammaanku isku dayeen inay qabtaan. Waxa uu ku dhintay rasaastii la is-dhaafsaday, hase yeeshee laba qof oo rayid ah oo joogay meel u dhow goobta ayaa dhaawacmay.

"Qofkan weerarka qaaday oo aan xogtiisa haysannay, waxa uu qorsheynayay inuu dil ka fuliyo goob dadka rayidka ah Afurka ku cunayay. Markii la isku dayay in la qabto, waxa uu sameeyay iska caabin isagoo adeegsanaya qori, waxaana lagu dilay goobta," ayuu yiri Taliyaha.

Dadkii dhaawacmay ayaa lagu daaweynayaa Isbitaalka Baardheere. Masuuliyiinta maamulka waxay sheegeen in weli aan la shaacin magaca ninka la dilay, laakiin xaqiijiyeen inuu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Axmed Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanka ee degmada ay yihiin kuwo feejigan, ayna diyaar u yihiin inay ka hortagaan wax kasta oo khatar ah oo ka yimaada kooxda Al-Shabaab.

Kooxdan ayaa inta badan bartilmaameedsata mas'uuliyiin dowladda, iyo ciidamada ammaanka ee la dagaallamaya iyo askarta AUSSOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM