Soomaaliya: Wasiirkii 3-aad oo iska iscasilay Hirshabeelle

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Wasiirkii saddexaad ayaa iska casilay Xukuumadda uu magacaabay Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare arbacadii lasoo dhaafay, taasi oo wali aan Baarlamaanka ansixin.

Yuusuf Cali Cilmi, Wasiiru dowlahii Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka HirShabeelle ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaasi iska-casilay, isagoo sababta ku sheegay in beeshiisa ay saluugtay ama u cuntamii wayday jagadaasi.

Waa wasiiru dowlihii 3aad oo xilka iska casilo. Wasiiru dowlihii Boosatada iyo Isgaarsiinta Ismaaciil Maxamed Culusow iyo Wasiiru dowlihii Wasaaradda amniga iyo dhaqan-celinta, Muxsin Maxamed ayaa sidan oo kale isku casilay maalmihii lasoo dhaafay. Halkan ka akhri.

Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa horyaalla caqabado badan, oo ay kamid tahay ansixinta Gollahiisa Wasiirada cusub, oo qaar kamid ah Xildhibaanada ay ka horyimaadeen, kadib markii sida ay sheegeen la hareermaray hanaanka awood-qeybisiga.

Warar ayaa sheegay in Baarlamaanka uu ku kala aragti duwan yahay Gollaha Wasiirada, iyadoo kuwa mucaaradka ah ay hadda wadaan ololaha kalsoonida loogu diidayo Xukuumadda uu soo dhisay Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa la doortay bishii September kadib markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Madaxweynihii ugu horeeyay ee mamaulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble bishii August, kadib markii howl-gudasho la'aan lagu eedeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM