Soomaaliya: Xasan Sheekh oo afkiisa ka ilaaliyay in Puntland magaceeda ugu yeero

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Puntland ku tilmaamay gobollada waqooyi, isagoo ka hadlayay Shirkii shalay lagu soo gaba-gabeeyay Kampala ee arrimaha howlgalka AUSSOM dhaqaalaha loogu raadinayo.

"Soomaaliya waxay wajahaysaa caqabado labo-geesood ah - mid ka imaanaysa Al-Shabaab koonfurta iyo bartamaha dalka iyo Daacish [ISIS] dhanka waqooyiga Bari," ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo sheegay in dowladiisa guul ka gaartay dagaalka Calmiskaad, oo guusheedu leeyihiin dowladda Puntland iyo Shacabkeeda.

Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer oo hore dafiray guusha Ciidamada Puntland ka gaareen dagaalka Daacish ee Calmiskaad, iyadoo dowladiisa si joogto ah hoos ugu dhigto dagaalka lagula jiro argagaxisadda buuraha gobolka Bari, oo naf iyo maal loo huray.

Dhanka kale, wuxuu Xasan Sheekh ku faaney in dowladiisa ay mudnaanta siisay dib u dhiska kalsoonida dowladda uu hogaamiyo iyo dowlad Goboleedyada dalka, iyadoo loo marayo wadahadal. 

"Waxaan ku guuleysanay arrimaha badan oo muran ka taagnaa, sida dastuurka qodobada ku saabsan awood-qeybsiga, qaab-dhismeedka amniga qaranka, Federaalka iyo nooca doorashadda," ayuu yiri Xasan Sheekh oo Khudbad ka jeedinayay Shirka Kampala.

Khubarada siyaasadda ayaa aaminsan inta uu sheegay Xasan Sheekh in aan hadda heshiis laga ahayn, iyadoo taasina dib u dhac wayn ku keentay dalka, oo amnigiisa xumaaday, Al-Shabaab dib usoo rogaal-celisay, islamarkaana dowladda noqotay mid kusoo koobantay Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa qiray inay dowladdiisa caqabado waaweyn oo amniga ah way la kulmayso, islamarkaana ay dhisayso awoodda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, oo dowladda tababarkooda ay ka taageeran dowlado dhowr ah oo Turkiga ugu horeeyo.

Mareykanka iyo dowladaha kale ee deeqbixiyaasha ayaa sheegay inaysan wax lacag ah ku bixin doonin howlgalka AUSSOM iyadoo aan heshiis laga gaarin khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, taasoo Xasan Sheekh saartay cadaadis xoog leh oo ku aadan inuu joojiyo inuu talada dalka isku soo koobo.

Shir-madaxeedka dalalka qaybta ka ah howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo saaxiibbada caalamiga ah, kaas oo lagu qabtay Madaxtooyada dalka Uganda ee magaalada Entebbe. Waxay ku heshiiyeen madaxda in dalal cusub - Masar, Turkiga iyo Imaaraatka keeni karaan Ciidamo Soomaaliya, iyadoo heshiisyo labo-geesood ah loo marayo.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay madax ka kala socotay dalalka; Kenya, Jabuuti, Masar, Itoobiya, iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Dowladda Mareykanka.

Soomaaliya ayaa ka jira nidaam Federaal ah, oo awoodaha la daadejiyay, islamarkaana wadaag lagu ahaa go'aanada masiirka qaranka, oo saamilayda siyaasadda ku wajahayeen wadajir iyo wadatashi loo dhan yahay, taasoo la waayay tan iyo doorashadii Xasan Sheekh 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM