Soomaaliya: Xildhibaan u geeriyooday safmarka Covid-19

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish.

Marxuumka oo ku geeriyooday Magaala madaxda ku meelgaarka ah Kismaayo isagoo maalmahii lasoo dhaafay uu soo ritay safmareenka khatarta badan ee Covid19.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cabdi Xasan Xiish uu kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladnimada Jubaland isagoo ka soo shaqeeyay heerar kala duwan sidoo kalana mar walba u taagnaa Midnimada Bulshada.

"Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin nidaamkeena Dowladnimo isagoo labo mar oo hada ay u danbaysay ahaa Xildhibaan intii uu shaqadan hayayna ku suntanaa xilkasnimo," ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Jubaland ee uu ka baxay. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM