​Sucuudiga oo hakiyay xoolaha uga yimaada Somalia

Image

Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa VOA la wadaagay qoraal ay sheegeen inuu ka soo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga, kaas oo sheegayey in si ku-meel gaadh ah loo hakiyey Xoolihii Soomaalida ee dalkaas tegayey.

Nuux Daahir Camuud oo ku sugan magaalada Jedda ayaa sheegay in amarkan ka soo baxay Sucuudiga loo qaybiyey qaar ka mida ganacsatada xoolaha isla markaana amar lagu siiyey in la hakiyo xoolaha iyada oo loo sababeeyey arrimo dhinaca caafimaadka ah.

Go'aankan ay ganacsatada Soomaalidu sheegtay in dawladda Sucuudiga uu ka soo baxay, illaa haatan may xaqiijinin dawladda Soomaaliya iyo dawladda Sucuudiga, inkasta oo saraakiil Soomaali ah oo aan la hadalnay ay VOA u sheegeen inay maqleen warkan hase ahaatee ay mar dambe ka hadli doonaan.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli meelo badan oo Soomaaliya ah ay ka jiraan abaaro ba'an oo saamayn ku yeeshay noloshii dadka reer guuraaga ah, haddiiba tallaabadani sidaas u dhaqan gashona waxay sii adkaynaysaa xaaladda bini'aadanimo ee Soomaaliya ka jirta, taas oo madaxda Soomaalida iyo hay'adaha Caalamiga ahiga ay baaqyo ka soo saareen.

VOA

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM