Suudaan oo ka falcelisay go'aan kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya

Image

KHARTUUM, Suudaan – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaaa telefoonka kula xiriiray ra'iisul wasaaraha Sudan, Cabdalla Xamduuk, sidda ay ku warantay warbaainta dalkaas.

Sidda laga soo xigta warbixinada, Farmaajo ayaa Xamduuk uga tacsiyeeyay dhimashada iyo barakaca ka dhashay fatadaaha ku dhuftay wadankaas ee ka dhashay roobab xoogan oo dhowaan ku da’ay.

Wakaalada wararka u faafisa dowladda Suudaan ayaa tibaaxdey in Farmaajo uu u balanqaadey Xamduuk in uu garab taagan yahay.

"Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay in dalkiisa uu ku garab taagan yahay Shacabka iyo Dowlada Suudaan sidii ay uga taageeri lahaayeen kasoo kabashada xaaladan adag," ayay tiri.

Dhankiisa, Xamduuk ayaa uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya taageerada ay u muujisay shacabka iyo xukuumadda Suudaan.

"Si gaar ah wuxuu u bogaadiyey go'aanka ay Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ganaaxyadda kaga dhaafeen muwaadiniinta Suudaan ee ku sugan Soomaaliya," ayay wakaaladda kusoo gabagabeysay warbixinta.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii xukuumadda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ay meelmarisay in dadweynaha Suudaan laga dhaafo khidmada iyo ganaaxyada, kuna baaqdey in loo gurmado Khartuum.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM