Swan oo difaacay shaqada Qaramada Midoobay kawado Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa wuxuu si adag u difaacay shaqada ay UN-ka ka wado Soomaaliya xilli ay jiraan sheegashooyin dhaleeceynaya.

Swan oo u waramay barnaamijka Talk to Al Jazeera ayaa ku adkeystay in 30-kii sano ee lasoo dhaafay ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ka howgaleysay waddanka ay gaartey guulo kala duwan oo waxtar leh.

Adkeynta nabada, dhismaha hay’adda dowliga, arrimaha bini'aadanimada iyo soo celinta kala dambeynta ayuu ku qeexay guulaha ay gaareen.

"Laakiin waxyaabo kale oo aaad loogu baahan yahay in la qabto ayaa jira," ayuu hadalkiisa ku daray isaga oo u muuqda mid qiraya in uu gaab ka jiro dhanka ammaanka si gaar ah in aysan wali wiiqin Al-Shabaab.

Mar wax laga waydiiyey hadal horey uga soo yeeray mas'uul UN-ka ka tirsan kaasoo tibaaxay in howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu ku fashilmay xasilinta dalka, Swan ayaa xusay in uusan sidaas aaminsaneyn.

Diblumaasigan Ameerikaan ah ayay u tahay markii labaad oo dalkan dhaca Geeska Afrika uu ka howlgalo isaga oo markii koowaad ahaa safiirka Mareykanka, waxaana uu xilka UN-ka uu ka bedelay Nickolas Haysom.

Haysom ayaa Janaayo, 2019-kii waxaa eriday dowladda Soomaaliya markii lagu eedeeyay in ay faragelinta madax-banaanida. Eryidiisa waxay timid markii uu xukuumada waydiistay in ay sharaxdo dil ka dhacay Baydhabo.

Danjire Swan oo wax laga waydiiyey xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in uu meel wanaagsan taagan yahay.

"Xiriir wanaagsan ayaa nagala dhaxeeya mas'uuliyiinta federaalka. Sidoo kale waxaan cilaaqaad la leenahay jilayaasha kale ee muhiimka ah; laga soo bilaabo Ururada Bulshada Rayidka, u doodayaasha xuquuqda bini'aadamka iyo hogaamiyeyaasha maamulada. Xiriirka mas'uuliyiinta heer Qaran wuu wanaagsan yahay, haddana waxaan aaminsanahay in muhiim ay tahay in dedaaladeena ay kawada faa'iidaan dadka Soomaaliyeed," ayuu kusoo xiray.

Ugu dambeyntii, Swan ayaa carabka ku adkeeyay in lama maarmaan ay tahay in doorashadda soo aadan ay ku qabsoonto qaab wadar-ogol ah, isaga oo rajeeyay in hogaamiyeyaasha siyaasada isla meel-dhigi doonan arrinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM