Swan oo digniin kasoo saarey xaaladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa Isniintii wuxuu warbixin ka hor=jeediyey Golaha Ammaanka Jamciyada Quruma Ka Dhaxeysa.

Swan ayaa hadal-jeedintiisa ku qabsoomay qaab fogaan arag ah wuxuu diiradda ku saarey xaaladda guud ee Soomaaliya isaga oo si gaar ah u dul-istaagay is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka heer federaal ee loo madlanaa 2020-21.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa golaha la wadaagay warbixin fahfaahsan oo ku saabsan qodobada la isku hayo iyo guuldarooyinka shirarkii u dambeeyay.

"Mowqifka Beesha Caalamka wuu cad yahay; waa in aysan jirin doorasho hal dhinac ah, geed-socod is-bar-bar socda, iyo go’aano hal dhinac ah," ayuu xusay.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ay martigelisay kuwaas oo ka dhashay kala aragti-duwanaanta siyaasadeed ayuu ka digay in ay wiiqaan horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dowlad dhiska iyo ammaanka guud.

Wakiilka ayaa ku nuux-nuux-saday ahmiyadda ay leedahay in mar kale ay wadda hadal isugu yimaadaan madaxda Soomaalida si loosii wado dedaalada lagu dhaqan-gelinayo heshiiska 17-kii September oo saddex qodob kasoo noqdeen.

Qodobadaas oo xudun u ah khilaafka haatan taagan ayaa kala ah; arrinta gobolka Gedo oo ah tan ugu culus la iskuna hayo in lasoo saaro ciidanka dowladda, qaabka loo xulayo wakiilada Somaliland iyo guddiyadda maamulaya coddeynta heer federaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM