Taageerayaasha Daacish oo qabsaday tuulo ka tirsan Jubbada Hoose

Image

Maleeshiyada taabacsan ururka Daacish ee ka goostay Al-Shabaab ayaa qabsaday oo la wareegay gacan ku haynta tuulada Tuulo-Barwaaqo oo 12 KM u jirta deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Maleeshiyada taabaacsan Daacish ayaa halkaas ka qabsaday ciidamada maamulka Jubbaland ee halkaas maamulayey, kuwaas oo tuulada ka baxay markii ay maleeshiyada usoo dhaqaaqeen.

Kooxda halkaas qabsatay ayaa sidoo kale gubay gurigii guddoomiyihii Tuulo-Barwaaqo.

Waxa ay tani noqoneysaa markii ugu horraysay ee maleeshiyo taabacsan kooxda Daacish ay qabsadaan deegaan ka mid ah Soomaaliya.

Deegaanada hoostaga Jubbada Hoose, ayaa waxaa dhowaanahan ka jiray khilaaf u dhaxeeya Al-Shabaab oo ku saabsan ku biiritaanka Daacish, ayada oo la dilay sarakaiil sare iyo maleeshiyo taageero u muujiyey Daacish.

Xigasho: VOA

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM