Tababarihii xulka kubada cagta Soomaaliya oo shaqada ka tegay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Macalinkii guusha taariikhiga ah u soo hooyey xulka kubadda cagta Soomaaliya, Bashiru Hayford, ayaa shaqada ka tegay.

Tababarahaan u dhashay Ghana ayaa sababta is-casilaadiisa ku sheegay arrimo ammaan iyo weeraradda sii kordhaya ee Al-Shabaab.

Hayford ayaa ku hogaamiyey Soomaaliya guushii ugu horeysay ee Koobka Aduunka kadib dagaaladii sokeeye ee ka dhacay waddanka.

Bishii September, 2019, ciyaar ka tirsaneyd is-reereebka koobka aduunka ayay Soomaaliya 1-0 kaga badisay qaranka Zimbabwe.

Sidda ku xusan warqado caddeyn ah, macalinkaan ayaa qandaraas laba sano ah kula jiray Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Dhanka kale, saxaafadda cayaaraha Soomaaliya ayaa ku warameysa in is-casilaadda Hayford ay ahayd "mid aad loo filayey"

Sababta ayay ku qeexayaan isbedel "loo baahdey" in lagu sameeyo hogaanka qaranka isla markaana loo dhiibo macalimiin Soomaali ah.

Bishii Maaj, 2019-kii ayay ahayd markii Hayford uu la wareegay booska tababaraha xulka Soomaaliya, isagoo bedelay Maxamed Cabdullaahi Farayare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM