Tafaasiisha qaabka uu u dhacay weerarkii Al-Shabaab ee Balcad

Image

JOWHAR, HirShabelle – Xaalada degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa haatan degan dibna ugu soo laabatay gacanta ciidanka dowlada markii aroornimadii Talaadada maanta ah ay weerartay Al-Shabaab.

Illo wareedyo amni ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in maleeyshiyaadka ay dhanka Webiga ka beegsatay magaalada isla markaana ay la wareegtay qaar kamid ah xaafadaha ay ka kooban tahay.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo xaqiijiyey dhacdada, ayaa meesha ka saarey in xoogaga hubeysan ay wada qabsadeen balse wuxuu qiray in dhimasho ay ka dhalatay.

Geerida hal askari iyo dhaawaca afar kale kuwaasoo ay ku jiraan laba shacab ah ayuu tilmaamay in duulaankaas uu sababay. Dhanka Al-Shabaab, dhimashada saddex dagaalame iyo tirro kale oo dhaawac ayuu ka xusay.

"Ciidamadda oo xogtooda hayey ayaa ka hor istaagay in ay gudaha magaalada u sii galeen," ayuu ku yiri wareysi uu siiyey idaacada BBC-da.

Dagaalameyaasha gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida oo tabiyey in ay qabsadeen bartamaha Balcad iyo xarunta maamulka ayaa wariyey in ay xabsiga kasii daayeen maxaabiis, wallow aysan tafaasiil ka bixin.

Mr Khayre oo waxba kama jiraan ku qeexay sheegashooyinkaan ayaa ku adkeystay in askariga geeriyooday uu ku naf-waayey Miino ay dhigeen Shabaabka "markii looga awood-roonaadey iska hor-imaadka xoogan".

"Weerarkaas waxay ku doonayeen in ay ku burburiyeen buundada Balcad oo ay rabeen in markii ay gaaraan ku xiraan qaraxyo ay wateen balse waxaa ka hortagay ciidamadda," ayuu daray. "Sidaas waxay u sameynayeen si uusan gurmad u soo gaarin ciidamadda ama aysan u isticmaalin".

Qaasim Cali Nuur, gudoomiyaha Balcad oo hoosta ka xariiqay in weerarka uu kasoo bilowday kontaroolka koowaad ee laga ilaaliyo degmada, ayaa carabka ku dhuftay in ciidanka ay wadaan howlgalo miino baaris ah.

"Beenta ay faafinayaan waxba kama jirto. Ciidamada oo xogtooda hayey baa ku celiyey kontaroolka. Howlgalo amni xaqiijin ahna baa socda, waxaana illaa haatan lasoo saarey miinooyin," ayuu u sheegay idaacadda VOA-da.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dagaalka ka qeybgalay oo telefoonka kula hadlay warsidaha GO ayaa ku eedeeyay dowlada Soomaaliya in ay dayacdey Balcad, iyagoo codsaday in loosoo diro ciidan gurmad oo barataara.

Isagoo ka jawaabayey su'aal ahayd maxaa weerarada Al-Shabaab u nug-liyey Balcad ayuu yiri "arrintaas waa iska cadahay, waxaana haboon in dowladda la waydiiyo, dayacaad baa jirta, waana in ciidanka naloo soo diro".

Balcad oo qiyaastii 40 KM dhanka waqooyi bari ka xigta Muqdisho ayaa ah degmo istaraatiiji ah, waxaana ay isku xirtaa caasimadda Soomaaliya iyo magaala madaxda HirShabelle, iyaddoo jidkaas lagu khaarijiyey mas'uuliyiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM