Talaabo uu qaadey safiirka cusub ee UK oo la cambaareeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Danjiraha cusub ee boqortooyadda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha waddanka Soomaaliya, Kate Foster, ayaa lagu cambaareeyay in ay waraaqadaheeda safiirnimo ku wareejisay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda Soomaaliya ayaa talaabadda Foster wuxuu ku qeexay "wax aad looga xumaado".

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo kamid ah mucaaradka ugu weyn ee dowlada waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo ayaa sidoo kale wuxuu talaabadaas ku sifeeyay "mid anshax xumo ah".

"Waa wax laga xumaado in safiirka cusub ee UK ee Soomaaliya ee Soomaaliya ay shaqadeeda ku bilawday in warqadaheeda aqoonsiga ay ku wareejiso Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday 8 Feb. Tani waa anshax xumo iyo talaabo lid ku ah dhaqanka soo jireenka ah ee ixtiraamka sharciga ee UK ay hormuudka u ahayd," ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Safaaradda UK ee Muqdisho iyo Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin falcelinta Mr Warsame. Isku-dayo uu Garowe Online doonayey in uu ku gaaro ayaa guuleysan waayey.

David Concar, oo safiirka Britain loosoo magacaabay kadib dhamaadka muddo xileedkii madaxwaynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu diidey in uu waraaqaha aqoonsiga ku wareejiyo, isaga oo cuskaday in xilliga ka dhacay lana sugi doono madaxweyne cusub.

Mowqifka danjiraha cusub Kate Foster ayaa la ogeyn haddii ay la qabto Waaxda Arrimaha Dibadda Boqortooyadda UK ama in ay shaqsi ahaan iyadda goosatay. Balse, xaqiiqadu waxay tahay in halkaas ay ka muuqato is-burin diblumaasiyadeed oo waxa ka dambeeya aan la ogeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM