Taliska Booliska Malta oo fahfaahiyey xariga saddex Soomaali ah

Image

LONDON, UK – Taliska booliska Malta oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa shaaciyey in uu xabsi u taxaabay saddex Soomaali ah kuwaasoo lala xiriirinayo fal dhac kaasoo la sheegay in uu dhaca bishii aynu kasoo gudubnay.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, 21-ka bishii October ayay ahayd markii ay dhac u geysteen 27-sano jir u dhashay waddanka Hungary. Dhibanahaas wuxuu falkaas kadib u soo dacwoobay saldhiga bileyska Triq San Gorg.

Natiijada baaritaano horudhac ayaa muujinaya in mid kamid ah ragga loosoo qabtay falkaan uu qoorta ka qabtay dhibanaha isla markaana uu ku-kala-gamay dhulka, halka kan kale uu qaatay saacadiisa uuna baartay boorsadiisa.

Warbixinta booliska ayaa lagu sheegay in Soomaalida xatooyada lagu eedeeyay ay ka baxsadeen goobta kahor inta uusan booliska gaarin goobta.

Latuhunsane saddexaad ayaa lagu waramay in boolisku aqoonsaday. Hasayaashee, lama soo bandhigin maagcyadda saddexda ruux.

"Saddexdan nin ee kasoo jeeda Soomaaliya isla markaana da'doodu kala tahay 24 illaa 26 jir ayaa la rajeynayaa in maxkamad lasoo taago Talaadada iyaddoo baaritaanka uu sii socon doonaa," ayay ku warantay saxaafadda.

Malta ayaa kamid ah wadamada ku yaala qaaradda Yurub ee sanadihii ugu dambeeyay Soomaalida u tageysay in ay uga sii gudbaan dalalka kale iyagoo dhulkooda hooyo uga cararaya dhibaatooyin amni darro ah iyo shaqo la'aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM