Taliyaha AMISOM oo tegay Gedo xili ay ka taagan tahay xiisado culus

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Taliyaha ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa shalay tegay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, sidda ay xaqiijiyeen warar kala duwan oo lagu kalsoon yahay.

Jeneraal Tigabu Yima ayaa si gaar ah u kormeeray saldhig ciidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ku leeyihiin magaaladaas.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in uu kulan albaabada u xiran yahay uu la yeeshay saraakiisha hogaamineysa askartaas.

Bayaanka ayaa lagu xusay in ujeedka socdaalka uu salka ku hayey qorshaha bixitaanka AMISOM iyo guulaha howlgaladii u dambeeyay.

Socdaalkaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo gobolka ay ka jirto xiisad u dhaxeysa dowlada iyo Jubaland oo ka dhalatay ciidamo la geeyay halkaas.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay doonayso in Gedo ku dhisto maamul kadib markii ay ku guul-dareysatay inay xukunka ka tuurto Madaxweyne Axmed Madoobe oo mar labaad dib loo doortay 2019.

Ciidamadda Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa la tilmaamay in ay taageerayaan qorshaha ay damacsan tahay Nabad iyo Nolol.

Khilaafka Jubaland iyo dowladda ayaa u muuqda inuu sii xogeysanaya, iyadoo Kenya iyo Itoobiya oo kala taageerayaan labada dhinac ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan ciidamada ka jooga halkaas.

Magaalooyinka ay si buuxda u maamuleyso dowladda Soomaaliya ayaa kala ah; Beledxaawo, Doolow iyo Baardheere.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka amniga Cabdirashiid Janan oo ku sugan gobolka ayaa ku adkeystay in ay dib u qabsan doonan degmooyinka ay ka faramaroojisay dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM