Taliyaha ciidamada AMISOM oo Kismayo tagay

Image

10 Decemeber, 2015(GO)-Saraakiil ciidan oo hogaaminayo Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa maanta tagay magalada Kismayo xarunta maamulka Jubbaland, waxayna la kulmeen saraakiisha ciidamada iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

General Jonathan Rono, ayaa booqday goobo fariisin u ah ciidamada Midowga Afrika, wuxuuna wax ka weydiiyay xaaladooda.

Booqasho iyo soo dhaweyn ka dib, taliyaha ayaa kulan la qaatay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo mas'uuliyiin kale, waxayna ka wada hadleen adkaynta amniga. iyo ciidamo ka socda Ethopia oo dhawaan imaan doona magalada Kismayo, waxayna badalayaan kuwa sierra leone ee nabad ilaalinta u jooga gobolkaasi.

Waxaa labada dhinac isla soo qaadeen howgallo AMISOM ka samayn doonto goobaha Al-Shabaab ku harsanyihiin ee ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM