Taliyaha Ciidamada Israa'iil oo Fashil dartiis isku casilay

Image

ISRAEL - Taliyaha ciidamada Israa'iil, Janaraal Ku-xigeen Herzi Halevi, ayaa is casilay Talaadadii shalay sababo la xiriira guuldaradii ciidamada ee weerarkii Hamas, ee 7-dii October 2023.

Warqaddiisa is casilaadda, oo ay ciidamadu soo saareen, ayuu Herzi Halevi ku sheegay inuu ka tagay shaqadda, maadaama uu gudan waayay waajibaadkiisa difaaca Yahuudda.

Is-casilaadiisa ayaa imaanaysa xilli "guul-darrooyin waaweyn" soo wajaheen ciidamada Israa'iil oo ku aadan duulaanka Qaza oo yoolalkiisu ahaa in xoog lagu soo furtay dadka la haysto iyo in Xamaas laga taqaluso.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ugu mahadceliyay Herzi Halevi "sannado badan oo uu u soo adeegay Ciidanka iyo hogaamintiisa" intii uu socday dagaalka Qaza, isagoo sheegay inuu "guulo waaweyn keenay."

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Israa'iil Yair Lapid ayaa ku amaanay Herzi Halevi go’aanka is-casilaadda, isagoo ugu baaqay in Netanyahu inuu ku daydo.

Jeneraalka weyn ee Yaron Finkelman, oo ah taliyaha waaxda milateriga Israa'iil ee koonfurta, oo mas’uul ka ah xasuuqa Qaza, ayaa sidoo kale is casilay.

Is casilaadda labada saraakiil ayaa timid dhowr maalmood kadib xabad joojinta dhex martay Hamas iyo Israa'iil, taasoo hakisay 15 bilood oo xasuuq ah oo Yahuudda u geysatay shacabka Falastiin.

Khudbad uu telefishinka ku jeediyay Talaadadii galabtii, wuxuu yiri: "Ciidamadu waa inay bixiyaan jawaabaha guuldaradii 7-dii Oktoobar, isla markaana wax ka baranayaan khaladaadkooda."

7-dii October 2023, kumanaan dagaalyahanno Falastiiniyiin ah ayaa weerar ku qaaday koonfurta Israa'iil ee ka soo baxay Gaza.

Weerarka ayaa sababay dhimashada 1,210 qof oo Yahuud ah, iyadoo Sidoo kala qafaashey 251 qof, oo hadda lagu bedelayo kumanaan maxaabiis oo Falastiiniyiin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM