Taliyaha Ciidamada oo xaqiijiyey in ay jiraan askar aan mushahar qaadan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Ciidamadda Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta xaqiijiyey in ay jiraan askar ka tirsan xoogga dalka oo aan qaadan mushaharkii ay xaqa u lahaayeen.

Qiraalka taliyaha ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii cutubyo kamid ah milatariga ay gadood ka sameeyeen Muqdisho isla markaana ay hakad geliyeen isu socodka waddooyin gala Madaxtooyada.

Odowaa oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka dhawaajiyey in dib u dhaca ku yimid bixinta mushaharka askarta qaarkeed ay la xiriirto laba arrimood oo uu ku fahfaahiyey shirkiisa jaraa'id.

Arrinta koowaad ayuu ku qeexay khalad farsamo oo ku yimid diiwaan-gelinta casriga ah xukuumadda federaalka ah ay haatan waddo.

Sidoo kale, qadiyadda labaad ayuu caddeeyay in ay la xiriirto askarta qaarkood aysan marin habkaas, sidaas darteeda ay ku waayeen gunadooda, isagoo ku booriyey in ay soo maraa habraacaas.

"Laakiin, waxaa qalad ah in ciidamaddu sameeyaaeen gadood ama wax u muuqdo gadood, haddii ay cabasho qabaan waa in ay maraan dhaqanka ciidanka oo ay qoraal u diraan hogaankooda," ayuu xusay.

Ciidamada gadoodka sameeyay oo ka tirsan qeybta 17aad ayaa sheegay in ay kasoo baxeen furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe aysana mushahar helin ku dhowaad laba sano.

Sikastaba ha ahaatee, hadalka taliyaha ayaa dhinac-marsan sheegasho dhowaan kasoo yeertay madaxweyne Farmaajo oo la xiriirtay in dowladiisa aysan ku baaqan mushaharka shaqaalaha rasmiga ah iyo ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM