Taliyaha ciidamada Soomaaliya oo isku day dil kaga badbaaday Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidamadda Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa ka badbaaday isku day dil kadib markii kolanyo uu la socday lagu weeraray isgoyska Tarbuunka ee Muqdisho.

Weerarka oo ahaa ismiidaamin ayaa lagu bartilmaameedsaday kolanyada taliyaha oo daqiiqado kahor kasoo baxay Wasaaradda Difaaca oo ka akdhow halkaas, sidda ay xuseen illo wareedyo amniga ah.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saartay mas'uuliyadda falkaan. Balse, dhacdooyinka noocaan oo kale ah waxaa looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga dhismaha Isbitaalka Ciidamadda xoogga oo ku yaala degmadda Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa ay cusleyd lagana maqlay qaybo kamid ah magaala madaxda waxaa xigtay rasaas teel-teel ah oo dhowr daqiiqadood socotay. Ma cadda khasaaraha guud ee ka dhashay falkaan.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar, afhayeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah, ayaa fahfaahin kooban wuxuu ka bixiyey qaabka uu qaraxu u dhacay iyo nooca gaariga loo adeegsaday.

"Gaari Saaruf ah oo uu waday qof ismiidaamiye ah ayaa isku dayay in uu dhexgalo kolanyada ilaalada taliyaha xoogga Soomaaliya; digniin ayaa la siiyay markuu qaadan waayay waa la toogtay, kadib gaarigii ayaa qarxay. Taliye Odawaa oo aan la hadlay ayaa sidaa ii xaqiijiyay qaraxa kadib," ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Dhanka kale, wasaaradda difaaca oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Twitter-ka, ayaa sheegtay in la fashiliyey weerarkaas, wallow aysan ka hadlin waxyeeladda guud ee ka dhashay.

"Ilaalada Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Toogtay Naftii halige isku dayay in uu isku dhex qarxiyo Kolonyada ilaalada Taliyaha," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Sidda laga soo xigtay Ismaaciil Orongo, ma jiro khasaaro nafeed oo ka dhashay qaraxaan. Inkasta oo sawirro laga soo qaadey goobta ay muujinayaan burbur soo gaarey goobta iyo gaadiid wadada marayey.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay, Muqdisho ayaa u muuqaneysa mid ay dib uga bilowdeen weeraradii ay geysan jireen kooxaha argagixisada ah oo isbedel uu ka muuqdo marka loo eego bartilmaameedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM