Taliyaha Ciidamada Soomaaliya oo "ka badbaadey" isku day dil

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Ciidamada Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa lagu waramay in uu ka badbaadey isku day dil oo la sheegay in ay soo maleegtay kooxda Al-Shabaab.

Sidda ay wararku tilmaamayaan, kolanyo uu la socday taliyaha ayaa shalay galab lagu qarxiyey nawaaxiga degaanka dhowaan la xoreeyay ee Janaale, gobolka Shabeellaha Hoose.

Illaa iyo haatan, ma jirto cid shaaca ka qaadi karta khasaaraha guud ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay falkaas lagu fuliyey "xeelad naadir ah".

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay xafiiska Odowaa ayaa lagu sheegay in ay fashiliyeen "dhagartaas ay abaabushay argagixisada".

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka oo baraha bulshada lagu faafiyey, qaraxa waxaa lagu soo rakibay laba neef oo Lo' ah, mana jiro wax khasaaro ah.

Dhanka kale, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa qirtay in taliye Odowaa uu ka badbaadey weerarkaas isla markaana ay dil iyo dhaawac ugu geysteen qaar kamid ah ilaaladiisa.

Odowaa ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Janaale, halkaas oo uu ka socdo abaabulka guluf ay ciidamadu doonayaan in ay ku qabsadaan degmooyinka uga haray gobolka.

Sablaale iyo Kuntuwaarey waa degmooyinka ka tirsan gobolka ee wali baaqiga ku ah gacanta maleeyshiyaadka hubeysan.

Xeel-dheereyaasha dhanka amniga ayaa aaminsan in hadii ciidamadda ay la wareegaan degmooyinkaas ay u fududaan doonto in ay gacanta ku dhigaan Bu'aalle, caasimadda maamulka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM