Deeq gaadiid oo la gaarsiiyay Booliska Jubbaland

Image

24 Octobar, 2015(GO)-Maamulka Jubbaland ayaa la wareegay Afar gaari oo nooca Booliska loogu tala galay, kuwaasi oo uu soo gaarsiiyay taliyaha ciidanka Booliska Somalia.

Deeqdan ayaa la sheegay in hordhac u tahay kuwa kale oo ay leeyihiin Booliisku, waxaana kala wareegay wasiirka wasaaradda amniga iyo arrimaha gudaha Gen.Maxamed Darwiish, isagoo ka mahad celiyay.

Taliyaha ciidanka Booliska Somalia Sareeya Gaas, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin qaabkii loo midayn lahaa shaqada ciidanka Booliska Somaliyeed, isagoo xusay in deeqdani ka dambeeyaan kuwa kale oo loogu talagalay ciidamada.

Xaamud ayaa kormeero ku tagay dhawaan maamul goboleedyada Somalia, isago u kuur galay qaabka ay u shaqeeyaan Boolisku.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM