Taliye ciidan oo isku day dil kaga badbaadey Beledxaawo; xiisad jirta

Image

KISMAAYO, Jubaland – Taliyaha ciidamadda xasilinta Gedo, Bakaal Kooke, ayaa lagu waramayaa in maanta oo Isniin ah uu isku day dil kaga badbaadey magaaladda Beledxaawo ee gobolkaas.

Falkaan ayaa yimid iyaddo magaalada laga dareemayo xiisad u dhaxeysa askarta ay Dowladda Soomaaliya geysay halkaas iyo kuwa kale oo taabacsan wasiirka amniga Jubaland.

Saraakiisha ayaa sheegay in Kooke uu ku fakaday iska hor-imaad kooban oo labada daraf ku dhexmaray xaafad ka tirsan Beledxaawo.

Kooke, oo haatan badqaba, ayaa ku jira horjoogeyaasha ciidanka xukuumadda federaalka ah ku daabushay magaalooyinka hoostaga gobolka Gedo.

"Taliyaha haatan wuu badqabaa, waxaana xaalada magalaadu tahay mid kacsan," ayuu yiri sarkaal ka gaabsaday in magaciisa la adeegsado, balse u waramay warbaahinta.

Beledxaawo ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay xudun u noqotay khilaafka aan wali la xalin ee Villa Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubaland.

Labada dhinac ayaa ciidamo kala taabacsan ay isku hor-fadhiyaan magaalada, taasoo xoojisay cabsida laga qabo in uu dhexmaro dagaal toos ah oo waxyeelo u geysata shacabka.

Maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda in ay ujeedo siyaasadeed ka leedahay ciidanka, waxaana uu cod dheer ku dalbaday in gebi ahaanba laga saaro askartaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM