Taliye cusub oo loo magacaabay ciidanka Uganda ee kamida AMISOM

Image

KAMPALA, Uganda – Madaxweynaha waddanka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa taliye cusub wuxuu u soo magacaabay ciidamadda qarankaas ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM].

Digreeto kasoo baxdey xafiiska Museveni oo warbaahinta gudaha ay warisay ayaa lagu sheegay in Don William Nabasa loo magacaabay in uu hogaamiyo ciidamadda waddankaas ee howlgalka ka tirsan.

Don Nabasa oo ah Gaashaanla Sarre ayaa wuxuu soo noqdey Taliyaha Ciidamadda Sidda Gaarka ah u tababaran ee dalka Uganda.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii ayaa waxaa loo xushay jagadaas, isagoo kala wareegay Gaashaanle Muhoozi Kainerugaba.

Mr Kainerugaba ayaa waxaa waqtigaas loo magacaabay Lataliyaha sarre ee dhanka milatariga u qaabilsan Madaxtooyada Uganda.

Uganda ayaa howlgalka AMISOM waxay ku leedahay askar tiradooda ay gaareyso 6,000, waxaana ay ku jirtaa dalalka ugu badan.

Isbedeladaan ayaa waxay kusoo hagaagayaan xilli la filayo in ciidamadda AMISOM ay gudaha Soomaaliya ka hayaamaan horaanta sanadka dambe, wallow ay soo baxayaan warar sheegaya in waqtiga loo kordhinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM