Taliye ka tirsanaa Al-Shabaab oo howlgal lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska ciidamadda xoogga Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgal ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobolka koonfurta Soomaaliya ku yaala ee Gedo.

Sarkaal milatari oo u waramay saxaafada ayaa shaaca ka dhigay in ay sideed dagaalame oo Al-Shabaab ah ku dileen howlgalkaas qorsheysan lana fuliyey saacadihii aynu kasoo gudubnay.

Cali Maxamed Maxamuud, taliyaha guutada 43aad, ayaa shaaciyey in howlgalka ay ku beegsadeen saldhig ay Al-Shabaab ku leedahay magaaladda Baardheere halkaasna uu ka dhacay dagaal.

"Ciidamadeena waxay burburiyeen saldhigo ay lahaayeen mitidiinta waxayna dileen sideed dagaalame oo Al-Shabaab ah oo uu ku jiro taliyihii howlgalada ee Baardheere oo lagu magacaabo Sakariye Sheekh," ayuu Maxamuud ku daray isaga oo aan caddeymo soo bandhigin.

Marka laga soo tago sheegashada taliska, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya. Sidoo kale, maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaan wali ka hadlin howlgalkaas.

Sheegashada ciidamadda Soomaaliya ayaa kusoo hagaageysa saacado kadib markii taliye ka tirsan ciidanka dowlada ee gobolka Gedo lagu dhaawacay qarax miino oo jidka loogu aas-aasay.

Taliyaha ayaa kusii jeeday degaanka Kaalmoy halkaasoo ay ku dagaalameen ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.

Gobolka Gedo waxaa gacan-ku-hayntiisa isku haya maamulka Jubaland iyo dowladda Soomaaliya ee waqtiga kasii dhacayo, wuxuuna xudun u yahay is-mari-waaga haatan ka taagan doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM