Taliye KMG ah oo loo magacaabay Booliska Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa maanta loo magacaabay inuu si KMG ah u noqdo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya kadib markii xilkaasi laga qaadey Todobaadkan Jeneraal Cabdixakiim Daahir Saacid.

Munaasabad ka dhacday Dugisiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa labada mas'uul ku kala wareegeen xilka, iyadoo ay goob-joog ahaayeen wasiirka amniga, madax sare oo katirsan labada golle ee dowladda iyo Saraakiil AMISOM.

Jeneraal Mukhtaar ayaa horey usoo noqday Ku xigeenka Taliyaha Booliska, waxaana xilka cusub ee loo dhiibay maanta sii heyn doonaa inta Taliye rasmi ah laga soo magacaabayo.

Taliyaha xilka laga qaadey Jeneraal Cabdixakiim ayaa goobta xil-wareejinta ka sheegay inuu ku kalsoon yahay Jeneraal Mukhtaar inuu kasoo dhalaali karo howsha loo dhiibay, oo ah mid adag islamarkaana dhowr qof oo isagu kamid yahay ay ku fashilmeen.

Cabdixakiim Saacid ayaa isaga iyo Agaasiimihii NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe xilka looga qaadey weeraradii ka dhacay dhawaan Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe, 14-kii Oct iyo kii ugu dambeeyay ee Naasa Hablood 2 hotel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM