Taliyihii Ciidamada Somalia oo xilka laga qaaday

Image

3 Sptember, 2015(GO)-Waxaa maanta xilkii laga qaaday taliyaha ciidama xoogga dalka Somalia Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), waxaana la soo magacaabey taliye cusub.

Xilka qaadistan ayaa timi kadib shirka golaha wasiirada Somalia oo maanta loo soo gudbiyay in xilka la qaado taliyaha, waxaan dood dheer ka dib wasiiradu isku raaceen in xilkaasi loo soo magacaabo Janaral Maxamed Aadan Axmad.

Wasiirka wasaradda gaashaandhigga Somalia aya arintaasi u gudbiyay wasiirada,waxayna dalacsiiyeen taliyaha cusub oo la siiyay darajada Sareeye Gaas, halka ay soo magacaabeen labo Abaanduule ciidan oo ka mid noqonaya Ciidamada Somalia.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Aadan Axmad ayaa waxbrashadiisii ciidanimo ku soo qaatay kulliyadda Ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka ee Ruushka, Moscow, kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka, isagoo sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan oo ciidamada ah, wuxuuna ahaa Taliye qeybta Baladweyne, Taliyaha qeybta ciidanka 60aad ee Baydhabo, taliyaha qeybta 21aad ee Dhuusa Mareeb.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM