Taliyihii Danab oo xilka laga qaadey mid cusubna la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka ka qaadey taliyihii Ciidamada gaarka u tababaran ee DANAB, Gaashaanle Ismaaciil C/maalik, oo mudooyinkii dambe ku xirnaa Wasaaradda Gaashaandhigga.

Waxaa lagu bedelay Gaashaanle Axmed C/llaahi Nuur [Beeryare], oo horey u ahaa ku-xigeenka DANAB, sidoo kalena kasoo noqday taliye Koox, hurin iyo saadka, xilalkaas oo uu soo qabtay kadib markii uu kusoo biiray Ciidanka 2013.

Beeryare ayaa tababarkiisa kusoo qaatey Uganda, Itoobiya, Turkiga iyo Mareykanka, isagoo mudooyinkii dambe ka howlgalayay gobollada ay Ciidanka Mareykanka howlgallada gaar ah ka fuliyaan, sida Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Wuxuu noqonayaa taliyihii 6aad oo DANAB loo magacaabo tan iyo 2013 markii la aas-aasay, waxaana isbedelladan isdaba-joog ah ku jahwareeray AFRICOM, oo gacanta ku haya Ciidankan, islamarkaana siiya tababarka, mushaarka iyo agabka ay ku howlgalaan.

Taliyeyaasha DANAB

Xasan 'Kumaandoos' 2013-2014
Yacquub Ahmed Siyaad 2014-2015
Axmed C/llaahi Sh. 'Axmed Danab' 2016-2019
Cabdiraxmaan Cumar 'Jeeniqaar', 2019-2020
Ismaaciil Cabdi Maalik 2020-2020
Axmed Cabdullaahi 'Beryare', 2020 - hadda. 

DANAB oo ah unuga ugu fir-fircoon Ciidanka xoogga dalka, ayaan helin talis wanaagsan mudadii ay jireen tan iyo 2013, iyadoo xilka qaadista Gaashaanle Ismaaciil C/maalik ay ku qaadatey Farmaajo 3 bilood.

Si rasmi ah looma oga sababta xilka looga qaadey taliyaha, balse waxaa jira isbedello lagu sameynayo taliyeyaashii ku dhawaa Khayre ee hayay xilalka sare ee Ciidanka dowladda xili dalka la filayo inuu doorasho galo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM