XOG: Taliyihii Hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya oo Loo Wado Wasiir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ilo xog-ogaal ah ayaa GO u sheegey in wadatashiyo hoose oo socda lagu wado in taliyihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, Mahad Salad, loo magacaabo Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Haddii uu xilkan helo, magacaabistiisu waxay meesha ka saareysaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Fiqi, oo xarig hoose yihiin Mahad Salad. 

Sababta ka dambeysa dhaq-dhaqaaqan cusub lama shaacin, balse wuxuu ku soo aadayaa iyadoo la wado in ciidamada Masar qayb ka noqdaan hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Mahad Salad, oo siyaasad ahaan ku dhow dalka Masar, ayaa xilka Wasaaradda Gaashaandhigga kala wareegi doona wasiirka hadda xilka haya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo isaguna xiriir dhow la leh dowladda Turkiga.

Taliyihii hore ee NISA, Mahad Salad, ayaa xilkiisii ku waayey kadib markii lagu ciladeeyey xiriirka dhow ee uu la leeyahay mid ka mid ah dalalka xiligaan saameynta balaaran ku leh siyaasadda gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

Mahad Salad ayaa tan iyo xil ka laga qaadey ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo horey loo hadal hayay inuu isu soo taagayo xilka madaxweynaha Galmudug. Hase yeeshee, rajadaas ayaa meesha ka baxday kadib markii Qoor Qoor taageeray qorshaha muddo kordhinta Villa Somalia ee hal sano ah.

Wasiirka Gaashaandhigga ee xilka haya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xil ka bedelkiisa lala xiriirinayaa magacaabista Ra’iisul Wasaare ku-xigeen cusub oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, taas oo u muuqata isbeddel siyaasadeed oo ka socda Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM