Taliyihii horkacayey ciidankii AlShabaab ka saarey Marka oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in Maxamed Cali Cusmaan [Yariisow] uu kamid ahaa saraakiil lagu dilay qarax Arbacadii lagula eegtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Weerarka oo loo adeegsaday miino ayaa kolanyadda uu Maxamed la socday waxay ku haleeshay Isbaaradda Shabelle ee duleedka magaala madaxda.

Inta la xaqiijiyey lix askari oo saddex kamid ah saraakiil yihiin ayaa ku naf-weyday qaraxaas. AlShabaab ayaa waxay dusha saaratay mas'uuliyadda falkaaas.

Saddex Xidigle, Maxamed Yariisow ayaa wuxuu ahaa taliyihii 3aad ee Kumaandooska Danab, kuwaasi oo si gaar ah ay u tababarto dowladda Mareykanka.

Dadka yaqaana marxuumka oo ay ku jiraan saaxiibadii kala tirsanaa ciidanka ayaa ku sifeeyay "shaqsi howlkar iyo mid kamid ah geesiyeyaasha guutadiisa".

Sidda laga soo xigtay warar xog ogaal ah, Maxamed ayaa hogaaminayey ciidankii Al-Shabaab ka saarey magaalada Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Marka, oo ah magaalo xeebeed, taasi oo istaraatiijiyad ahaan muhiim u ah amniga gobolka iyo kan caasimadda dalka dhaca Geeska Afrika, ayaa Muqdisho dhanka jihadda Koonfur Galbeed, waxay kaga xigtaa qiyaastii 95 KM.

Howlgaladii lagu xorreeyay degaano dhowr ah sida; Awdheegle, Sabiid, Bariire iyo kuwa kale ayaa la sheegay in uu kamid ahaa saraakiishii dejisay xeeladii lagu qabsaday.

Sikastaba, Maxamed ayaa wuxuu ku biirayaa saraakiisha dhalinyaradda ah ee ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya, kuwaasi oo ku baxay gacanta dagaalameyaasha hubeysan ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM