Galmudug: Taliye iyo 11 sarkaal oo qarax lagu dilay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Taliyihii hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka magaalada Dhuusaamreeb, Qooje Yarre, ayaa wuxuu ku geeriyooday qarax miino oo Axada maanta ah lala eegtay, sidda ay sheegayaan wararka ka imaanaya degaanadda maamulkaas.

Weerarka ayaa, sidda ay muujinayaan warbixinadda, wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa degmadda Ceeldheere iyo magaala madaxda Galmudug ee Dhuusmareeb, gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

"Ugu yaraan 10 sarkaal kale oo wehlisay taliyaha ayaa ku naf-waayey weerarka," ayuu yiri mas'uul dhanka amniga oo u waramay warsidaha Garowe Online ugana gaabsaday magaciisa in aan loo ogoleyn warbaahinta madaxa-banaan.

Dhanka kale, dagaal u dhaxeeya ciidamadda iyo maleyshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in uu ka dhacay degmadda Ceeldheere. Ma cadda waxyeeladda ka dhalatay iska hor-imaadka.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, dhacdooyinkii ugu dambeeyay waxaa dusha saartay maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo asxaabta marxuumka.

"Allaha u naxariisto Taliye Qooje Cabdi Sheikhdoon iyo ciidamada la socday ee kooxda argagixisada ah ku dileen inta u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo Ceeldheere. Waa labo geeriyood saraakiishii cadowga deeganadaas ka xoreeyay dhowr iyo toban sano ka hor in mar kale maanta loo loogo cadowga. Allaha idiin naxariisto. Shuhado dalka iyo dadka difaaciisa naftooda u bixiyay ayaad tahiine," ayuu Mahad ku daray.

Todobaadkii hore, Al-Shabaab ayaa laba jeer waxay weeraro loo adeegsaday madaafiic ay ku ekeysay caasimadda Galmudug halkaas oo uu shir uga socday madaxda dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada waddanka.

Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro askari boolis ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen weeraradaas uu maamul goboleedka Galmudug sheegay in uu gacanta kusoo dhigay shabakadii ka dambeysay.

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in ay dileen tobanaan kamid ah dagaalameyaasha Al-Shabaab oo ka dambeysay hoobiyeyaasha, isaga oo intaas ku daray "qorigii ugu weynaa ee lagu duqeyn jiray degaaanadda dowlad goboleedka Galmudug".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM