Talyaaniga oo gaadiid ciidan ugu deeqay Dowladda Federaalka
March 5, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dekedda magaalada Muqdisho kula wareegtey gaadiid kuwa ciidamada ah oo Dowladda Talyaanigu ku deeqday.
Gaadiidkan oo tiradiisu dhan tahay konton iyo afar gaari oo isugu jira nooca xammuulka ee ciidamada qaada iyo gaadiidka qafilan ee aysan xabaddu karin, waxaa la sheegay in loogu talo galay ciidamada booliska, militeriga iyo sirdoonka.
Bernando Mencaraglia oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaan-dhigga Talyaaniga ayaa qalabka ku wareejiyey saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya isagoo sheegay in deeqdani qayb ka tahay ballan qaadyo horay Talyaanigu ugu sameeyey Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada Dowladda Federaalka Jen. Daahir Aadan Cilmi ayaa isna uga mahadceliyey Talyaaniga taageerada joogtada ah ee uu la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidamadeeda qalabka sida.
Dhowr mar oo hore ayaa Talyaanigu qalab ciidan u siiyey Dowladda Federaalka, waase markii ugu horreysey ee gaadiid tiradiisu intan le'eg tahay hal mar loogu deeqo ciidamada Dowladda Federaalka.
GAROWE ONLINE