Talyaaniga oo ka hadlay ciidamadiisa lagu qarxiyey Muqdisho

Image

ROMA, Italy – Wasaaradda Gaashaandhiga Talyaaniga ayaa ka hadashay qarax Muqdisho maanta oo Isniin ah lagula eegtay cutubyo kamid ah ciidamadda wadankaas ee ku sugan dalka dhaca Geeska Afrika.

War-saxaafadeed Wasaaradda kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa oo warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaa noociisa uusan ciidamadooda u geysan dhimasho ama dhaawacba

"Waxaan baadigoobeynaa hadii ay jiraan waxyeelo ka dhashay weerarka," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaanka oo koobnaa kaasoo ay baahisay Wakaaladda wararka Reuters.

Qaraxan oo sababay dhimashadda hal qof oo rayid ah, kaasoo wadada marayey iyo dhaawaca saddex kale oo rayid ah ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Wasaarada Difaaca Soomaaliya iyo Kuliyadda Jaale Siyaad.

Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab kuwaasi oo gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa waxay dusha saaratay mas'uuliyada falkan.

Dowladda Soomaaliya oo si kooban uga hadashay dhacdadan ayaa cambaareysay, waxayna tacsi u dirtay ehelada dadka rayidka ah eek u naf-waayey; iyadda oo soo kabasho degdeg ah u rajeysay bukaanadda.

Ciidamada Talyaaniga ee la qarxiyey ayaa kamid ah xoogaga Midowga Yurub ee waddanka ku sugan kuwaasi oo tababaro siiya ciidamadda Soomaaliya ee la filayo in ay amniga dalkooda la wareegaan 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM