​Tarsan oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu u diiday Aqalka hoose

Image

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahna Musharax Madaxweyne Doorashada 2016 ayaa sheegay in laga hor-istaagay inuu u tartamo Kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maxa'uud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa Boggiisa Twitter-ka ku sheegay in tartanka Xildhibaanimo loo diiday kadib markii Madaxweynaha Waqtiga ka dhaammaday Xasan Sheekh Maxa'uud uu siiyay Ugaaska Beeshiisa lacag aad u badan, sida uu hadalka u dhigay.

Tarsan wuxuu ku eedeeyay MD Xasan Sheekh inuu musuq-maasuq ku samayanayo Odyaasha dhaqanka iyo Ergada Doorashada Aqalka hoose, si uu ugu guuleysto Doorashada dadban ee soo socoto.

"Xasan Sheekh ma uusan Musuq-maasuqin oo kaliya Nidaamka Siyaasadda dalka, ee wuxuu sidoo kale musuq-maasuqay Odiyaasha Dhaqanka, Ergada Doorashada iyo Masiirka Umada Soomaaliyeed," ayuu yiri Tarsan.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku tilmaamay Doorashada aqalka hoose, mid u afduuban Xasan Sheekh, islamarkaana qof aan isaga la dhinac ahayn uusan u tartami karin Kursiga Xildhibaanimo.

Tarsan hadalkiisa ayaa kusoo beegmayo xilli ay jiraan Cawashooyin badan oo ku aadan Musuq-maasuq lagu samaynayo Doorashada Aqalka hoose, taasoo Villa Somalia lacag badan ku bixinayso si ay u guuleystaan Siyaasiyiinta ku dhaw Xasan Sheekh.

Doorashooyinkii ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay Cadaado iyo Jowhar waxaa kusoo baxay Rag ay xulufo yihiin Xasan Sheekh Maxa'uud, kuwaasi oo ay kamid yihiin Faarax Cabdulqaadir, Odowaa,  iyo Sanbaloolshe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM