Tartanka Maamul-Goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay

Image
Xiriirka ayaa dib ula wadaagi doona Shacabka jadwalka oo faah faahsan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa dhawaan ku dhawaaqay in muddo labo maalmood ah dib loo dhigay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo Shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ay soo saareen guddiga ciyaaraha iyo tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha JFS ayaa lagu sheegay in dib u dhigista tartanka ay ka dambeysay dhibaatooyin ka dhashay ciyaartii furitaanka.

Waxay Raaligelin Buuxda Siinayaan Dhamaan Taageerayaasha Tartanka “Dowlad Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir Iyo Dhamaan Bagdad Sports ka Ciladihii farsamo Iyo Daaha Cayaarta Galabta Ku Timid , Sidoo Kale Waxay Si khaas uga raaliginayaan Taageerayaashii Galabta U Saamixi Weysay inay Daawadan Tartanka Ayaga oo Tikityo Soo Jartay.” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Sidaasi darteed, waxaa la go’aamiyay in hal maalin dib loo dhigo ciyaarta berito ee Banaadir iyo Koonfur Galbeed, lana ciyaari doono maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da Janaayo 2024.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa xaqiijiyay in ay dib ula wadaagi doonaan Shacabka jadwalka oo faah faahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM