Tifaftirihii SNTV oo "la eryay" kadib xayeysiis carro xoogan dhalisay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tifaftirihii telefishinka ku hadla afka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa laga eryay shaqadda, sidda ay baahisay Wakaalada wararka qaranka Soomaaliya ee SONNA.

SONNA ayaa soo xigatay qoraal ah kasoo baxay agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh, oo lagu sheegay in Faysal Muuse Maxamed uu qirasho sameeyay.

Qiraalka ayaa ku saabsan "in uu qaatay" mas'uuliyadda xayeysiis carro abuurtay oo dhowaan uu baahiyey telefishinka qaranka.

Iidhehda oo lagu tilmaamay mid ay ku jireen "erayo faquuq ah" ayaa waxaa lagu baadigoobayey laba gabdho oo wariyeyaal ah.

"Tifaftirihii TV-ga Qaranka Faysal Muuse Maxamed ayaa xilkii laga qaaday, kadib markii ay ku cadaatay isaguna qirtay in uu faafiyey warqad loogada Agaasimaha TV-ga leh oo ay ku qoran yihiin erayo aan munaasib ahayn, isagoo aanu la ogeyn Agaasimihii ay Xafiiskiisa ka baxaysay," ayuu u qornaa warka kooban oo SONNA lagu daabacay.

Dhanka kale, Faysal ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook ku shaaciyey in uu iska casilay xilka kadib is-fahamwaa dhanka shaqada ah. Qoraalkiisa ayuu ku beeniyey wararka ku aadan in uu qiraal sameeyay.

"Waxaan rabaa in aan madaxda wasaaradda Warfaafinta weydiiyo aniga miyaa xafiiska agaasimaha SNTV xog-heyn ka ahaa? Mana jirto sabab aan u qirto khalad qof kale ka dhacay. Sida warqaddii la faafiyey ku cadna khaladka faafitaanka xog-heyn ayuu ka dhacay, annoon jecleysan in maanta aan halkaan su’aal ka weydiiyo wasaaradeeda. Baarakallaah," ayuu kusoo xiray.

Isqabqabsigaan ayaa soo shaac-baxay xili xukuumadda ay mar sii horeysay cudurdaar furan ka bixisay gefkaas dhacay, waxayna ka dhawaajisay in la anshax-marinayo cid kasta oo ku lug lahayd khaladkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM