Tirada kiisaska fayruska Corona ee Soomaaliya oo dhaaftay 700

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 51 kiisas cusub oo ah Coronavirus.

Tani ayaa ka dhigan in tiradooda guud ee xaaladaha caabuqa ee gudaha dalka ay gaareen 722, maadaama shalay ahaayeen 671 markii la xaqiijiyey 70 kiis oo cusub.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka oo wariyeyaasha kula hadashay Muqdisho, ayaa xaqiijisay in bukaanada cusub ay 37 kamida joogaan Muqdisho, 12 Puntland ah iyo 2 Galmudug ah.

Sidda laga soo xigtay Fowziya, waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay geeriyooday hal qof. Ma aysan carabaabin meesha uu ku sugan yahay shaqsigaas. Tirada guud ee geerida waxay gaartay 32.

Intaas waxaa wehlisa in ay soo caafimaadeen tobban bukaan, taas oo wadarta guud ee dadka ka bogsaday ka dhigeysa 44 ruux. Lama xusin goobaha ay kala joogaan dadka ka kacay xanuunka.

"Kororka kiisaska cudurka way sii socdaan, waxaana mar walba ku celcelineyno waa in laga hortagaa cudurka, waxaana looga hortagi karaa in dadku aysan isku imaan," ayay raacisay hadalkeeda.

Ugu dambeyntii, xukuumadda ay ka tirsan tahay ayay hoosta ka xariiqdey in ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii ay u xoojin lahayd wacyi-gelinta iyo awooda uu dalka u leeyahay xakameynta caabuqa.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM