Tirada kiisaska fayruska Corona ee Soomaaliya oo dhaaftay 700

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 51 kiisas cusub oo ah Coronavirus.

Tani ayaa ka dhigan in tiradooda guud ee xaaladaha caabuqa ee gudaha dalka ay gaareen 722, maadaama shalay ahaayeen 671 markii la xaqiijiyey 70 kiis oo cusub.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka oo wariyeyaasha kula hadashay Muqdisho, ayaa xaqiijisay in bukaanada cusub ay 37 kamida joogaan Muqdisho, 12 Puntland ah iyo 2 Galmudug ah.

Sidda laga soo xigtay Fowziya, waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay geeriyooday hal qof. Ma aysan carabaabin meesha uu ku sugan yahay shaqsigaas. Tirada guud ee geerida waxay gaartay 32.

Intaas waxaa wehlisa in ay soo caafimaadeen tobban bukaan, taas oo wadarta guud ee dadka ka bogsaday ka dhigeysa 44 ruux. Lama xusin goobaha ay kala joogaan dadka ka kacay xanuunka.

"Kororka kiisaska cudurka way sii socdaan, waxaana mar walba ku celcelineyno waa in laga hortagaa cudurka, waxaana looga hortagi karaa in dadku aysan isku imaan," ayay raacisay hadalkeeda.

Ugu dambeyntii, xukuumadda ay ka tirsan tahay ayay hoosta ka xariiqdey in ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii ay u xoojin lahayd wacyi-gelinta iyo awooda uu dalka u leeyahay xakameynta caabuqa.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM