Soomaaliya oo xaqiijisay kiisas iyo geeri horleh oo ka dhalatay Covid-10

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqdey in lix qof ay maanta oo Talaado ah u geeriyoodeen fayruska safmareenka ah ee Corona.

Tani ayaa ka dhigan in tirada geerida guud ahaan caalamka ay gaartay 14 oo ay ku jiraan laba Xildhibaan oo ka kala tirsanaa baarlamaanka federaalka iyo midka HirShabelle.

Sidoo kale, xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa shaacisay in 49 qof cusub uu soo ritay xanuunka taas oo wadarta guud ka dhigeysa 286.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga heerka qaran ee ka hortagga caabuqa ayaa intaas ku daray in laba qof oo horleh ay kasoo kabteen cudurka dilaaga ah.

"49 qof ayaa maanta laga helay xanuunka COVID19. Waxaa u geeriyootay 6 ruux waana tiradii ugu badneyd ee hal maalin u dhimata cudurka. 2 qof ayaa ka bogsootay," ayaa lagu yiri.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ee 21-ka April, sanadka 2020, bukaanada cusub ee uu soo ritay xanuunka ayaa 30 kamid ah waxay yihiin Lab, halka 19-ka kale ay yihiin Dhedig.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, oo galabta wariyeyaasha kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in badi dadka laga helay xanuunka ay yihiin dhalinyaro 20 illaa iyo 40 jir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM