Tirada rayidka uu Mareykanka ku dilay Soomaaliya tan iyo 2004-tii

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka waxaa hareeyay eedeymo culus oo la xiriira in duqeymaha uu Soomaaliya kula beegsado argagixisada ay waxyeelo kasoo gaaraan dad shacab ah, wallow uu dhowr jeer "dafiray".

Hay'ad warbaahineed oo fadhigeedu yahay UK ayaa soo bandhigtay tiradda rayidka ku dhintay howlgalada cirka ee Mareykanka, laga soo bilaabo bishii Janaayo sanadkii 2004-tii illaa iyo Febraayo, 2020.

Tiraddaan, sidda ku xusan warbixinta, waxay isugu jirtaa qaar ay Washington qiratay iyo kuwa kale oo gebi ahaanba ay iska fogeysay.

Bureau of Investigative Journalism ayaa diiwaan-gelisay in mudadaas ay duqeymaha Mareykanka ku geeriyoodeen 58 ruux.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aysan Mareykanka kula xisaabtami yareynta khasaaraha shacabka inta lagu guda jiro howlgalada milatari.

Ehelada aan wali loo baarin kiisaskooda ayaa cod dheer ku dalbanaya in ay cadaalad u helaan dadkii ay jeclaayeen ee laga khaarijiyey.

Inta badan duqeymaha Mareykanka ayaa ka dhaca koonfurta Soomaaliya, waxaana bartilmaameedka uu yahay Al-Shabaab iyo Daacish.

Taliska Mareykanka ee Afrika oo ku adkeystay in ay diyaar u yihiin in lagala xaajoodo sheegashooyinka waxyeelada shacabka ayaa bartooda Internet ka sameeyay bog ay dadka kusoo gudbiyaan cabashada.

Sidda laga soo xigtay ACLED, tan iyo 2012-kii xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa galaaftay 26-kun oo ruux. Tiradaas waxaa saddex kun iyo saddex boqol oo kamid ah ay yihiin shacab aan waxba galabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM