Tiradda dhimashada weerarada Al-Shabaab ee sanadkan oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab, urur "argagixiso" oo gacansaar la leh Al-Qaacida, ayaa sanad walba Soomaaliya iyo dalal ay ku jirto Kenya ka fuliya weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si muuqata ugu guuldareystay in ay tirro koob ku sameyso dhimashadda ay sababto maleyshiyaadkan Muqdisho laga xorreeyay 2007-dii.

Sikastaba, hay’adda Acled oo diiradda saarta uruurinta xogaha meelaha ay colaaduhu ka jiraan, ayaa soo bandhigtay xogta khasaaraha ay sababtay kooxdan tan iyo sanadka marka uu ahaa 2009-kii.

Macluumadka hay’addan ayaa ah kuwa ay kasoo xigatay illo wareedyo isugu jira kuwa maxali ah iyo kuwa caalami ah, sidda lagu baahiyey war qoraal ah oo ay soo saartay.

Warbixinta oo fahfaahin buuxda bixineysa ayaa muujisay in 2019-ka uu noqonayo midka ugu badan marka laga hadlayo weerarada dhimashada badan dhaliyey ee ay kooxdu ka fulisay gudaha dalka.

Sanadkii 2017-kii ayaa noqonaya midka labaad, maadaama kaliya hal weerar oo bishii October ka dhacay Muqdisho lagu khaarijiyey 600 ruux. Sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegatay ayaa soo-dhow.

Mas'uuliyiinta xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa waxay falkaas ku eedeeyay Al-Shabaab, wallow kooxda illaa iyo waqti xaadirkan aysan wali ka hadlin.

Dhinaca kale, idaacadda BBC-da ayaa waxay shaacisay in ay rumeysan tahay in dagaalameyaasha kooxda ay tiradoodu gaarayaan inta u dhaxeysa 5 illaa iyo todoba kun.

"Qarax kuma nabadeyn kartid Soomaaliya. Hadii la doonayo in la yareeyo rabashadaha waa in loo maraa xal wada hadal ah," sidaas waxaa yiri Micheal Keating, wakiilkii hore ee UN-ka u fadhiyey Muqdisho.

Mareykanka ayaa safka hore kaga jira wadamada caalamka ee wada gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ay qaadaan xulufada weeraro dhanka cirka iyo dhulka kuwaasi oo lagu sifeynayo xoogaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM