Tiradda dhimashada weerarada Al-Shabaab ee sanadkan oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab, urur "argagixiso" oo gacansaar la leh Al-Qaacida, ayaa sanad walba Soomaaliya iyo dalal ay ku jirto Kenya ka fuliya weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si muuqata ugu guuldareystay in ay tirro koob ku sameyso dhimashadda ay sababto maleyshiyaadkan Muqdisho laga xorreeyay 2007-dii.

Sikastaba, hay’adda Acled oo diiradda saarta uruurinta xogaha meelaha ay colaaduhu ka jiraan, ayaa soo bandhigtay xogta khasaaraha ay sababtay kooxdan tan iyo sanadka marka uu ahaa 2009-kii.

Macluumadka hay’addan ayaa ah kuwa ay kasoo xigatay illo wareedyo isugu jira kuwa maxali ah iyo kuwa caalami ah, sidda lagu baahiyey war qoraal ah oo ay soo saartay.

Warbixinta oo fahfaahin buuxda bixineysa ayaa muujisay in 2019-ka uu noqonayo midka ugu badan marka laga hadlayo weerarada dhimashada badan dhaliyey ee ay kooxdu ka fulisay gudaha dalka.

Sanadkii 2017-kii ayaa noqonaya midka labaad, maadaama kaliya hal weerar oo bishii October ka dhacay Muqdisho lagu khaarijiyey 600 ruux. Sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegatay ayaa soo-dhow.

Mas'uuliyiinta xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa waxay falkaas ku eedeeyay Al-Shabaab, wallow kooxda illaa iyo waqti xaadirkan aysan wali ka hadlin.

Dhinaca kale, idaacadda BBC-da ayaa waxay shaacisay in ay rumeysan tahay in dagaalameyaasha kooxda ay tiradoodu gaarayaan inta u dhaxeysa 5 illaa iyo todoba kun.

"Qarax kuma nabadeyn kartid Soomaaliya. Hadii la doonayo in la yareeyo rabashadaha waa in loo maraa xal wada hadal ah," sidaas waxaa yiri Micheal Keating, wakiilkii hore ee UN-ka u fadhiyey Muqdisho.

Mareykanka ayaa safka hore kaga jira wadamada caalamka ee wada gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ay qaadaan xulufada weeraro dhanka cirka iyo dhulka kuwaasi oo lagu sifeynayo xoogaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM