Tobanaan muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo xabsi loo dhaadhiciyey

Image

SKOPJE, North Macedonia – Bileyska waddanka North Macedonia ee dhaca Balkans-ka ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen Axadii iyo Isniintii ay kusoo xireen 61 muhaajiriin ay ku jiraan Soomaali iyo shan muqalasiin ah.

Soddon kamida qaxootigan kasoo kala jeeda Afghanistan iyo Syria ayaa laga soo dhex-saarey gaari xamuul ah oo ku sugnaa meel ku dhow magaalada Veles. Darawalkii waa uu baxsaday, balse waxaa suurtagashay in lasoo qabto.

Dhacdo tan lamid ah, 28 muhaajiriin ah kuwaasoo ay ku jiraan afar caruur ah una dhashay Bangladesh, Pakistan, iyo Afghanistan ayuu bileyska kasoo helay laba guri oo ku yaala gobolka waqoyga dhaca kuna xuduudka deriskooda Serbia.

Saddex magan-galyo-dooneyaal kale kuwaasoo jinsiyadooda aanan wali la aqoonsan ayaa laga helay gaari yaalay meel ku dhow isla sohdintaas. Darawalkooda waxaa lagu guuleystay in lasoo xiro, sida bileysku wariyey.

Sidda laga soo xigtay warbixinta kasoo baxdey laamaha ammaanka, muqalasiinta oo dhamaantooda ah rag ayaa u dhashay isla dalka North Macedonian.

Muhaajiriinta ayaa la aaminsan yahay in ay qaab sharci darro ah uga soo talaabeen Gariiga ayna safar gaari ah ku gaareen North Macedonian.

Muqalasiinta, sidda saxaafadu tabisay, ayaa wajahaya in ka badan shan sano oo xarig ah hadii lagu helo fal-dambiyeedka ah dhoofinta qaxooti ah.

Xuduudka Gariiga la wadaago North Macedonia ayaa horaantii sanadkan loo xiray sabab la xiriirta safmareenka Coronavirus, balse shabakadaha ka shaqeysta dhoofinta dadka wali way ka howlgalaan taasoo ka dhigtay aad ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM