Todoba qof oo dumar ah oo maanta degmada Tiyeeglow lagu diley

Image

December 10, 2014 (GO)- Todoba haween ah ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu diley degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Labo ka mid ah haweenkaas oo ahaa xaasaska askar ka tirsan ciidamada dowladda waxaa guryahooda kala baxay kadibna duleedka Tiyeeglow ku gowracay mileeshiyaad ka tisan Al-shabaab.

Intaas kadib askari ayaa bartamaha Tiyeeglow ku diley shan dumar ah oo la sheegay inay ahaayeen xaasaska saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Askariga dilka geystey oo daqiiqado kadib boolisku gacanta ku dhigeen, waa mid kamid ah labada askari ee xaasaskooa Al-shabaabku toogteen.

Xaaladda Tiyeeglow ayaa xiligan aad u kacsan, waxayna dadku aad u hadal hayaan falkan oo ah mid ku cusub dhegaha bulshada.

Tiyeeglow waxaa ku hareeraysan mileeshiyaadka Al-shabaab iyagoo diiday in magaaladaas wax gaadiid ahi u gudbaan.

Dhowaan deegaano hoos taga degmada Buuloberde ee gobolka Hiiraan waxaa lagu gubey dhowr guri oo xubno Al-shabaab ka tirsani leeyihiin, falkaasoo aargudasho u ahaa dilka ganacsade  kooxdaasi gowracdey kadibna gurigiisa iyo gaarigiisana la gubey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM