Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland
WASHINGTON - Madaxweyne Donald Trump uu shaaca ka qaaday in ciidamada Mareykanku ay weerar hawada ah ku qaadeen xubno ka tirsan ururka Daacish oo ku dhuumanayay godad qoto dheer oo ku yaalla Cal-Miskaad, oo kamid ah buuraha gobolka Bari.
Madaxweyne Trump ayaa shalay soo bandhigay muuqaal kooban oo socday 40 ilbiriqsi, isagoo muujinaya weerarada cirka ee ka dhanka ah kooxdaasi, oo hadda Ciidamada Puntland ay dagaal xooggan kula jiraan, kana saareen dhul ballaaran mudo kooban.
Trump, isagoo aan faahfaahin badan bixin, ayaa muuqaalka ku soo dhigay akoonkiisa X (horay loogu magacaabi jiray Twitter), isagoo tilmaamay in uu yahay “mid aan la qarinin, taasoo ahayd xaqiijin gaar ah oo ka timid hoggaamiyaha Mareykanka.
Marka si dhow loo eego muuqaalka, waxaa muuqata in Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika dhowr gantaal ku dhuftay Cal-Miskaad, iyadoo fulisay duqeynta diyaarad kasoo duushay Markab fadhiya badda Cas. Weeraradan ayaa dhacay xili howlgal socday, taasoo muujineysa ciidamada Mareykanka inay taageerayaan kuwa Puntland.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."
"Argagixisadkan, oo aan ka helnay godad ku dhuumanayay, waxay khatar ku ahaayeen Maraykanka iyo xulafadeena," ayuu Trump yiri. "Weeraradan ayaa burburiyay godadkii ay ku noolaayeen".
General Adan Abdi Hashi, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa sheegay in weeraradan hawada lagu beegsaday ugu yaraan 10 goobood oo ay ku sugnaayeen Daacish deegaanka Cal-Miskaad, islamarkaana lagu dilay in ka badan 46 xubin.
Weerarada cirka ayaa la sheegay inay fuliyeen diyaaradaha FA-18 Super Hornets ee kasoo kacay dusha Markabka USS Harry S Truman, iyadoo sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka uu sheegay inuu markabka kasoo tagey saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ee ku yaallo Jabuuti, Geeska Afrika.
Inkastoo Trump uusan shaacin magacyada hoggaamiyaha Daacish ee la beegsaday, ilo dhow oo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in hoggaamiyaha guud ee Kooxda, Cabdiqaadir Muumin, uu ahaa bartilmaameedkii ugu weynaa, isagoo la socday caawiye u dhow oo lagu magacaabo Abdirahman Fahiye.
C/qaadir Muumin ayaa ka badbaaday weerarkii May 2024 ee Mareykanka kula eegtay Cal-Miskaad. Dhanka kale, hogaamiye katirsanaa Daacish oo lagu magacaabo C/raxman Shirwac Aw Siciid (Lahoor), ayaa isku soo dhiibay ciidamada amniga Puntland ee ku sugnaa meel u dhow magaalada Qandala.
GAROWE ONLINE